*Daahfurka Imtixaanka Master ah*
Wasaaradda Waxbarasha iyo Tacliinta sare Dawladda Puntland ayaa daahfurtay Imtixaanka Master degree ee deeqaha waxbarasho Dawladda Puntland ka hesho Dalka Itoobiya.
Imtixaanka ayaa waxaa laga daahfuray xarunta dhexe ee Jamacadda PSU, Waxaana Imtixaanka u fadhiistay 140 ardey oo heerka labaad ah, Iyadda oo ay ka soo qayb-galeen Agaasimaha Tacliinta Sare mudane Abdirizak Mohamed iyo waaxda Tacliinta Sare, iyo Madaxda Qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland ugu horeeyo Qunsulka mudane Dagenchew yetbarek, macalimiinta agasimayey Imtixaanka.
Iyadda oo imtixaanku ku soo dhammaadey guul, ayaa Wasaaraddu umahadcelisay ka soo qayb-galayaasha imtixaanka sida Qunsuliyadda Ethiopia, Jamacadda PSU oo martigalisay xarunta Imtixaanka, macalimiintii agaasimayey Imtixaanka iyo guud ahaan howl-wadeenada ka shaqaynayey Imtixaanka.
“Dhammaad”