Wasaaradda Waxabarashada & Tacliinta Sare iyadoo tixraacaysa shaqo katagistii ay soo gudbiyeen maamulayaashii hore ee dugsiyada sare ee Gambool iyo Buurtinle, waxay 20-kii Luuliyo 2024, soo bandhigtay fursad tartan furan oo lagu buuxinayo jagooyinkaas.
Wasaaradda oo ka duulaysa natiijada qiimeynta tartankii furnaa ee lagu kala saarey danneeyayaashii u baratamay buuxinta jagooyinkaas waxay go’aamisey;
1. In Cabdikariin Xuseen Warsame oo ku guulaystay kaalinta koowaad ee tartanka uu buuxiyo booskii Maamulaha Dugsiga Sare ee Burtinle, Gobolka Nugaal.
2. In Cabdiraxmaan Xuseen Aadan oo ku guulaystay kaalinta koowaad ee tartanka uu buuxiyo booskii Maamulaha Dugsiga Sare ee Gambool, Garoowe, Gobolka Nugaal.
Waxaa la farayaa mas’uuliyiinta kala duwan ee ku shaqada leh inay hubiyaan dhaqangalka go’aankan.