Boosaaso: Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Boosaaso Mudane Cabdullahi Hassan Abshir oo ay weheliyaan Tababarayaasha Manhajka loo xilsaaray ayaa ku soo gabo gabeeyey magaalada Boosaaso tababarka macallimiinta ee Manhajka cusub.

Tababarka ayaa waxaa qabanaya macallimiin ay Wasaaraddu u diyaarisay in ay Manhajka cusub ku tababaraan macallimiinta kale ee Puntland, taas oo qeyb ka ah qorshaha tayeynta Waxbarashada Puntland.