BAHDA WAXBARASHADA PUNTLAND WAXA AY KA TACSIYEYNAYSAA GEERIDA MARXUUM SHUUKE

Garoowe, Oktoobar 04, 2024; Madaxda iyo howl-wadeennada Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxman Cabdulle Shuuke oo ka mid ahaa bahda waxbarashada iyo cilmi baarista.

Marxuum Shuuke waxa uu door muhiim ah ka soo qaatay dhismaha iyo horumarinta Puntland, isagoo sidoo kale soo noqday Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta ee heer Soomaaliya.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa haldoorka waxqabadka iyo horumarinta bulshada, isagoo ka mid ahaa aas-aaseyaasha Xarunta Cilmi-baarista Puntland ee PDRC, halkaas oo uu ka sii ambaqaaday kobcinta iyo horumarinta waxbarashada iyo cilmi baarista.

Alle ha u naxariisto Marxuum Cabdiraxman Cabdulle Shuuke, fadhigiisana haka yeelo Jannatul-firdowsa, qoyska iyo qaraabada uu ka baxayna haka siiyo samir iyo iimaan.

DHAMMAAD.