(EMIS BOOK YEAR 2024 VALIDATION)Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, mudane Cabdisalaan Cali Faarax oo uu weheliyo agaasimaha qorshaynta, ahna kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, mudane Maxamed Cabdicasiis Qaalib ayaa ka qayb galay kulanka sannadlaha ah ee ansixinta iyo bandhigga buugga xogta waxbarashada. Wasiiru-dawlaha ayaa ku boorriyay kooxaha xog uruurinta iyo Waaxda Qorshayntaba hawsha adag ee ay qabteen. Sidoo kale Agasimaha Qorshaynta ayaa Guddoonnada Waxbarashada ee goballada iyo degmooyinka uga mahadceliyay doorkoodii shariifka ahaa ee ay ka qaateen shaqadan adag.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dhammaan Agaasimayaasha Waaxaha, La-taliyayaasha Wasaaradda, Guddoonnada Waxbarashada ee heer gobol iyo degmo, Waaxda Tirakoobka ee Wasaaradda Qorshaynta, qayb kamid ah maamullada dugsiyada deegaannada Puntland, dhammaan hawl-wadeennada Wasaaradda iyo haayadaha bahwadaagta la ah Wasaaradda Waxbarashada.

Dhamaan kooxaha kala duwan ee kulanka kasoo qayb galay ayaa aragtidooda ku darsaday buugga maanta la isla ansixiyay.