Garoowe, Jannaayo 09, 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Wasaaradda oo lagaga hadlay qiimeynta qorsheyaasha sannadkii tagay, koormeerka guud ee adeegyada waxbarashada gobollada Puntland iyo arrimaha hortabinta leh ee Waxbarashada Puntland sannadkan 2025.

Agaasime Jubba ayaa ku adkeeyey hoggaamiyeyaasha shaqo ee Wasaaradda in si degdeg ah loo dhammaystiro qorsheyaasha lagu wajahayo duruufaha waxbarasho ee la soo gudboonaaday ardayda ka soo barakacay magaalada Ceergaabo ee gobolka Sanaag.

Sidoo kale, Agaasimaha ayaa adkeeyey in Wasaaradda Waxbarashadu ay si dhow uga shaqeeyso adeegyada waxbarashada ee deegaannada laga xoreeynayo argagixisada ku dhuumaaleysanaya dhuulka beeralayda ah ee Gobolka Bari.

DHAMMAAD.