Agaasime Jubba oo Tababar u Furay Howlwadeennada Xarunta Dhexe ee Wasaaradda
Garoowe, Juun 03, 2025 — Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa tababar ku saabsan diyaarinta tababareyaasha Maamulka Waxbarashada u furay Howlwadeennada Xarunta Dhexe ee Wasaaradda.
Tababarkan oo soconaya muddo laba maalmood ah (Juun 3–4, 2025), ayaa diiradda saaraya Hogaaminta Wax ku Oolka ah iyo Hindisaha Maaraynta Maamulka ee Goobaha Waxbarashada, iyadoo si gaar ah loogu xoojinayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda si ay u noqdaan kuwo door muuqda ka qaata horumarinta nidaamka waxbarasho ee Puntland.
Agaasime Jubba ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in tababarrada noocan ah ay noqdaan kuwo joogto ah, waxa uuna kula dardaarmay howlwadeennada in aqoonta tababarkan la gaarsiiyo maamulka iyo macallimiinta goobaha waxbarashada ee Puntland, si kor loogu qaado tayada waxbarashada.
Dhankiisa, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Mudane Mahad Colaad ayaa bogaadiyey Howlwadeennada Wasaaradda sida ay uga go’an tahay in ay ka faa’iideystaan tababarkan.
DHAMMAAD.