Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Maxamed Cali Nuur (Jubba) ayaa guddoomiyey Shirka qaabeynta istaaratijayadda quudinta dugsiyada (school feeding strategy).

Shirka waxaa ka qeyb-galay Agasimeyaasha Waaxaha Wasaaradda Khubaradda Wasaaradda, Madaxa quudinta dugsiyada ee heer Soomaaliya ee Hayadda WFP iyo saraakiisha Xafiiska heer Puntland.

Labada dhinac waxa ay isla qaateen dib u habayn ballaaran in lagu sameeyo nidaamka quudinta dugsiyada, iyadoo mudnaanta la siinayo reer guuraga iyo ilmaha danyarta ah, si loo dhiirri geliyo aadista dugsiyada.

DHAMMAAD.