AGAASIME JUBBA OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DIB U EEGISTA QORSHAHA QUUDINTA ISKUULLADA PUNTLAND

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Maxamed Cali Nuur (Jubba) ayaa guddoomiyey Shirka qaabeynta istaaratijayadda quudinta dugsiyada (school feeding strategy).

Shirka waxaa ka qeyb-galay Agasimeyaasha Waaxaha Wasaaradda Khubaradda Wasaaradda, Madaxa quudinta dugsiyada ee heer Soomaaliya ee Hayadda WFP iyo saraakiisha Xafiiska heer Puntland.

Labada dhinac waxa ay isla qaateen dib u habayn ballaaran in lagu sameeyo nidaamka quudinta dugsiyada, iyadoo mudnaanta la siinayo reer guuraga iyo ilmaha danyarta ah, si loo dhiirri geliyo aadista dugsiyada.

DHAMMAAD.