Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Maxamed Cali Nuur (Jubba) ayaa kormeer iyo dhiirrigalin ugu tagay khubarada ka shaqaynaysa dib u eegista manhajka lagu tababaro macallimiinta dugsiyada Hoose Dhexe ee Puntland.

Agaasimaha ayaa warbixin ka dhagaystay Agaasimaha Waaxda Tababarrada Macallimiinta Mudane Cabdullaahi Axmed Maxamuud oo ka warbixiyay ilaa iyo hadda waxa u qabsoomay khubarada ka shaqaynaysa dib u eegista Manhajka, iyadoo u jeedadu tahay in la helo manhaj la jaanqadi kara baahiyaha tababar ee bareyaasha dugsiyada Hoose Dhexe ee Puntland.