Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Maxamed Cali Nuur, Jubba, oo shir guddoomiyay shirka Wasaaradda Waxbarashada iyo haayadaha bahwadaagta ah.
Shirkan oo socda muddo toddobaad ah ayna kaso qayb galayeen haayadaha kala duwan ee ka shaqeeya waxbarashada, ayaa waxaa maanta kasoo qayb galay Agaasimaha Guud ee WW&TS mudane Maxamed Cali Nuur, Jubba.
Shirkan oo ay goob joog ahayd haayadda UNICEF ayaa waxaa Agaasimaha Guud warbixin kasiiyay ujeeddada shirarkan iyo meesha ay marayaan Agaasimaha Qorshaynta ee Wasaaradda, mudane Maxamed Cabdicasiis Qaalib. Intaas kadib, Agaasime Jubba ayaa haayadda UNICEF uga mahadceliyay doorkeeda taageeridda waxbarashada Puntland, isaga oo sidoo kale Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda ku boorriyay shaqadan baaxadda leh ee ay hayso.
Shirka ayaa kusoo idlaaday bogaadin iyo isfahan ay dhinacyadu gaadheen.