Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland oo ay wehelinayaan Guddoonka Waxbarashada Gobolka iyo masuuliyiin ka socday Wasaaradda ayaa kormeer ku tagay Dugsiga Sare ee Gambool ee Degmada Garowe.

Maamulaha Dugsiga Gambool Mudane Cabdirixmaan Xuseen Aadan ayaa Agaasimaha uga warbixiyey xaaladda Iskuulka, waxa uuna sheegay in ay socoto dib u habayn la xiriirta u diyaargarowga Imtixaanka Puntland ee Fasalka 10-aad oo sannadka la qorsheynayo in Wasaaraddu ay qaaddo, kaddib sannaddo badan ay si guul ah u qabsoomayeen Imtixaanka Shahaadiga ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa kula dardaarmay Ardayda in ay ku dadaalaan waxbarashada, isagoo u sheegay ardayda Fasalka 2-aad ee Dugsiyada Sare in ay u diyaar garooban Imtixaan Wasaaradda Waxbarashada ah oo sannadka lagu tartami doono, qorshuhuna uu yahay in la mideeyo guud ahaan Imtixaanaadka Fasallada Sare ee Puntland.