Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Maxamed Cali Nuur (Jubba) ayaa ka qaybgalay shirka saddex-biloodlaha ah ee Guddiga Farsamo (Technical Working Group) ee Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha xubnaha ka ah dhaq-dhaqaaqa Kor-u-qaadista Nafaqada.

Kulankan oo uu guddoominayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan ayaa diiradda lagu saaray sidii wasaaraduhu uga wada shaqayn lahaayeen wax ka qabashada nafaqo-darrada iyo kor u qaadista miisaaniyadda dowladda ee ku baxda dhinaca wax-soo-saarka.

Shirkan ayaa muhiimad gaar ah u leh isku xirka iyo wada shaqaynta wasaaradaha, si loo xaqiijiyo in la helo qorshayaal wax ku ool ah oo lagu xallinayo caqabadaha nafaqo-darrada iyo horumarinta wax-soo-saarka beeraha.