Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba oo ay wehelinayaan Agaasime Waaxeedyada iyo Lataliyeyaasha Wasaaradda ayaa kulan la qaatay Hay’adaha Caalamiga ah ee taageera waxbarashada Puntland.
Kulanka ayaa ku qotomay u diyaar garoowga Shirka Dib u eegista Waxbarashada Puntland Nov 2024, kaas oo looga soo bandhigayo guulaha, caqabadaha iyo qorsheyaasha Waxbarashada Puntland, si loo xoojiyo dadaallada lagu hormarinayo.