Tacsi Tiiraanyo Leh, Geerida Marxuum Shiikh Abshir Aw-Siciid
Garoowe, Jun 07, 2025; Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyska, ehelada iyo bahda waxbarashada Puntland ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Shiikh Abshir Aw-Siciid Faarax.
Marxuumku waxa uu door muuqda ka qaatay kobcinta iyo horumarinta waxbarashada Puntland, gaar ahaan heerka dugsiyada sare, isagoo ka mid ahaa aas-aaseyaasha dugsiyada Imaamu Shaafici iyo Al-Najaax.
Alle waxaan naxariistiisa janno u weydiinaynaa Marxuumka, ehelada iyo bahda waxbarashada ee uu ka geeriyoodayna haku mannaysto sabur iyo iimaan.
DHAMMAAD.