Garoowe: May 24, 2025: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor oo uu wehelinayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Mudane Hon. Fuad Abshir Ahmed ayaa maanta furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Sannad Dugsiyeedka 2024-2025.
Kusimaha Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Imtixaanka sannadka oo ay u fariisteen 23,768 Arday uu muujinayo isku-tashiga iyo dowladnimada Puntland, iyadoo 22 sano oo xiriir ah la qaadayey Imtixaanka midaysan.
Imtixaanka Mideysan ee Puntland ayaa saaka ka wada furmay 33 degmo, iyadoo la hirgeliyey 151 xarumood oo ay ku galayeen Arsaydu.
Ku-simaha Madaxweynaha ayaa u rajeeyay ardayda in Alle u fududeeyo Imtixaanka, waxa uuna bogaadiyey Wasaaradda oo dadaal badan ku bixisay hirgelintiisa.
DHAMMAAD.