Wasiirka Wasaaradda Mudane Fuad Abshir Ahmed ayaa kormeeray xarummaha Imtixaanka Shahaadiga ah ee magaalada Boosaaso, halkaas oo uu kula kulmay Guddoomiyeyaasha heer gobol iyo heer degmo ee waxbarashada, kormeereyaasha iyo Maamuleyaasha Iskuullada.
Wasiirka ayaa bogaadiyey habsami u socodka imtixaanka, isagoo soo bandhigay dadaalka joogtada ah ee Wasaaraddu ay ku bixiso hirgelintiisa.
Wasiir Fu’aad ayaa xog waraystay qaar ka mid ah Ardayda oo la wadaagay xaaladda imtixaanka iyo sida ay ugu faraxsan yihiin in ay ka miro-dhaliyaan dadaalkooda, waxa uuna u rajeeyey dhammaantood guul.