WASIIRKA WAXBARASHADA OO MAGAALADA DHAHAR EE GOBOLKA HAYLAAN KU SOO XIRAY IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE FASALKA 12AAD

Dhahar, May 29, 2025; Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Hon. Fuad Abshir Ahmed ayaa ku soo xiray imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad Dugsiga sare ee Dhahar.

Wasiirka ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaan Ardayda reer Puntland ee imtixaanku uu u dhammaaday, waalidiintood, Maamuleyaasha iyo macallimiinta iskuulaadkooda, kormeereyaasha iyo ilaaliyaasha imtixaanka oo si xasillooni iyo nabad leh uu ugu soo gabagaboobay imtixaanka Shahaadiga ah.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland Mudane, Fu’ad Abshir Axmed ayaa ku adkeeyey Ardayda u fariistay imtixaanka fasalka 12aad in ay isu diyaariyaan marxaladda waxabarasho ee ay u gudbi doonaan, haddii ay ku guuleystaan natiijada imtixaanka, taas oo fure u noqonaysa guul iyo horumar ay gaaraan mustaqbalkooda.

DHAMMAAD.