Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxa ay u hambalyeynaysaa Iskuulka Alwaaxa Garoowe, oo ku guuleystay Barnaamijka Tartanka Iskuullada Puntland ee Tartan iyo Tacliin oo ay ka wada shaqeeyeen Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo Warbaahinta Daljir.

Wasaaradda oo sidoo kale u hambalyeynaysa Iskuulka Xaaji Cali Biixi-Gaalkacayo oo kaalinta 2-aad galay sannadkan iyo Iskuulka Uusgure-Dangoroyo oo kaalinta 3-aad galay, waxa ay bogaadinaysaa Macallimiinta, Guddiga tartanka iyo Warbaahinta Daljir ee tooska u tabinaysay tartankan oo muhiim u ah kobcinta wacyiga iyo garashada Ardayda Soomaaliyeed.

Dhammaan Iskuulladii tartamay waxaan ku ammaanaynaa dadaalka ay bixiyeen iyo anshaxa wanaagsan ee ay muujiyeen, muddada uu socdo tartanku.

Hambalyo Iskuulka Alwaaxa-Garoowe, Maamul, macallimiin, arday iyo waalidiinba.