Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, mudane Maxamed Cali Nuur (Jubba), ayaa shir-guddoomiyey maalintii khamiista shirkii shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada oo ah kulan ay asbuuciiba mar isugu yimaadaan shaqaalaha xarunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada.
Shirkan oo ah madal xog-wadaagis oo ku saabsan soo gudbinta xogta waxqabadyada ee Waaxyaha Wasaaradda ayaa ah asbuucle, bille iyo saddex biloodleba.
Ujeedka shirka ee asbuucaan waxaa uu ahaa:
1. La wadaagista waaxyaha foomka xog uruurinta.
2. Soo bandhigidda warbixinta Waaxda Waxbarashada Toosan iyo qorshaha falanqaynta warbixinta Waaxda Waxbarashada Toosan.
Shirkan ayaa waxa soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland, Maxamed Cali Nuur Jubba, waxaana uu Agaasimuhu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leeyihiin shirarkani.
Shirka maanta waxa uu kusoo dhammaaday guul iyo isfahan.
– DHAMMAAD –
Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Puntland
Facebook: