Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Hon. Fu’aad Adeer waxa uu ugu hambalyeeynayaa Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda Wabarashada Puntland, munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga.

Si gaar ah, Wasiir Fu’aad waxa uu munaasabadda Ciidda ugu hambalyeynayaa macallimiinteenna iyaga oo soomanaa u hagar baxayey ubadkeenna, waalidiinta iyo ardaydeenna dhexda u xirtay in ay wax u bartaan naftooda, dadkooda iyo dalkooda.

Alle waxaan ka baryaynaa inuu naga aqbalo acmaasha wanaagsan ee aynu gudannay bishii barakaysnayd ee Ramadaan, taas oo ay ugu horreyso taraawiixda, tahajudka, sadaqada iyo soonka.

Ciid Mubaarak