Garoowe, April 15, 2024: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland Mudane, Hon. Fu’aad Adeer oo ay wehliyaan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Maxamed Diiriye Gama’diid, Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdisalaan Cali Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Jubba Cali Nuur ayaa qaabilay madaxa Waxbarashada Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Ms Rania Zakhia.
Ujeeddada kulanka ayaa aheyd xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland iyo Sanduuqa badbaadada caruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF.
Sidoo kalena, kulanka ayaa looga hadlay Kordhinta mashaariicda dhanka waxbarashada, kor u qaadidda u qareemidda arrimaha waxbarashada, xaqiijinta ujeeddooyinka iyo qorshayaasha Waxbarashada.
Madaxda cusub Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa xoojinaya dadaalka loogu jiro tayeynta waxbarashada dalka, taas oo qeyb ka aheyd qorshaha masuulyiinta Wasaaradda ee lagu fulinayo Barnaamijka Xukumadda.
– DHAMMAAD –