Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Cabdisalaan Cali Faarax, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Maxamed Diiriye Gama’diid iyo Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cali Nuur (Jubba) ayaa ka guddoomay Arday Dugsiga Sare ee Al-xikma Majalad Bille ah oo ay soo saareen, taas oo ku saabsan Waxbarashada iyo guud ahaan Arrimaha Bulshada.

Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada ayaa ku bogaadiyey Ardayda qoray majaladdan hamiga ay u hayeen in ay ka mira-dhaliyaan culuumta ay baranayaan, una beddelaan shaqo ay ugu adeegayaan dadkooda.