Garoowe: 02 May 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland Mudane, Hon. Fu’aad Adeer oo ay wehliyaan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Maxamed Diiriye Gama’diid, iyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdisalaan Cali Faarax.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa todobaadkan looga hadlay.
1.Amniga.
2.Xaaladda Xabsiyada Puntland.
3.Xaaladda cudurada faafa sida shuban-biyoodka,
4. Dhagaysiga warbixinta Guddiga ka diyaar-garowga Saamaynta Roobabka.
5.Todobaadka dhireynta Puntland.
Dood iyo falaaqayn ka dib ayada oo laga duulayo siyaasadda Dawladda waxa goluhu isku raacay dar dargalinta qodobada shaqo ee ka dhashay qodobada maanta goluhu ka dooday.
-DHAMMAAD-