WASIIRRU-DOWLAHA WASAARADDA WAXBARASHADA OO MAGAALADA GAALKACAYO KA DAAH-FURAY IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE PUNTLAND
Gaalkacayo, Maajo 25, 2024; Wasiirru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Mudane Cabdisalaan Cali Faarax (Biligaysi) ayaa magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug ka daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland.
Wasiirka oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Agaasimaha Waxbarashada Tooska ah ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Guddoonka Waxbarashada heer Gobol, Laamaha caafimaaka iyo Booliska Gobolka ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ay ku bixinayso horumarinta iyo tayeynta waxbarashada, isagoo kula dardaarmay ardayda in ay si taxadar leh uga shaqeeyaan imtixaankooda.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Taciinta Sare ee Dowladda Puntland waxay guul u rajaynaysaa dhammaan ardayda u fariisanaysa imtixaanka.
– DHAMMAAD –