Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland iyadoo matalaysa, kuna hadlaysa magaca dhammaan bahda waxbarashada Puntland waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehelada, saaxiibbada iyo Bahda Tacliinta ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Cabdullaahi Cabdisalaam Ibraahim oo ka mid ahaa ardayda u farisan lahayd imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad.

Marxuumka waxaan Alle uga baryeynaa in uu fadhigiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan qoyska, iskuulka, macallimiinta iyo saaxiibbada uu ka geeriyooday.

Aamiin,, aamiin.