MADAXDA WASAARADDA IYO GUDDOONKA WAXBARASHADA GOBOLLADA PUNTLAND OO KA WADA HADLAY TAYEYNTA WAXBARASHADA

Garoowe, Juun 11, 2024; -Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Mudane Fu’aad Abshir Axmed, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Mudane Maxamed Diiriye Gamaadiid, Wasiiru-Dowlaha Mudane Cabdisalaan Cali Faarax (Biligsey) iyo Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaasha Waxbarashada ee gobollada Puntland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray, xiriirka heer gobol, heer degmo iyo heer Wasaaradeed, kor u qaadidda tayada waxbarashada iyo fulinta siyaasadda dowladda ee ku aaddan horumarinta hannaanka iyo halbeegyada sugan ee waxbarashada, iyada oo la gorfeeyey la na qiimeeyey qabsoomidda Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Puntland ee sannadka 2023-2024.

Wasiirka ayaa bogaadiyay deddaalka iyo hufnaanta ay muujiyeen masuuliyiinta waxbarashada ee gobolladu, taas oo horseeday in si guul leh loo qabto Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Puntland.

Kulanka oo ay ka qeyb-galeen Agaasimeyaasha Waaxyaaha; Taya-dhowrka iyo Kormeerka, Waxbarashada Toosan iyo Waxbarashada Dadban ayaa sida oo kale lagu falanqeeyay caqabadaha horyaalla horumarinta waxbarashada, waxaana la isla gartay in la dardargeliyo qorsheyaasha lagu xalinayo dhibaatooyinkaasi, iyadoo la eegayo baahiyaha gaarka ah ee haysta gobol kasta.

Wasiir Fu’aad Abshir Axmed ayaa ku boorriyay ku na bogaadiyey guddoomiyaasha waxbarashada ee heer gobol in ay sii wadaan deddaalkooda iyo hawlkarnimadooda.

-DHAMMAAD-

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

Puntland, Soomaaliya