Waaxda Tayadhoorka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Puntland 18- Juun-2024 waxay bilaabaysaa tababarka macalimiinta iyo maamulayaasha dugsiyada Hoose/Dhexe. Guddoonnada Waxbarashada Goballada Mudug, Nugaal, karkaar, Sanaag, Haylaan, iyo Bari oo hagaya hawlaha Goballadooda waxaa lagu wargalinayaa dhammaan macalimiinta iyo maamulayaashuba inay u diyaar gareeyaan habsami u qabsoomidda tabarka, sida goobta tabarka lagu qabanayo, agabka tababarka sida projector-ada iyo xaadarinta macallimiinta iyo maamulayaasha.

Tababarka

1- Waa tababar Manhajka Puntland ah.

2- Macalinkii iyo maamulihii diiwaangashanaa baa galaya.

3- Macallinkii ka soo xagaa baxay deegaanada Badda Cas iyo deegaanada kale ee uu macallinka ka ahaa, wuxuu la xiriirayaa Guddoonka deegaan uu hadda ku sugan yahay, si xogtiisa loogu soo gudbiyo Xarunta dhexe ee Wasaaradda, looguna daro liiska macallimiita tababarka qaadanaya.

4- Tababarka inta dhamaysta baa shahaado leh.

5- Saacadaha 8:00 am – 12:30 pm

6- Degmooyinkan loo asteeyey oo kala ah:

Mudug(Gaalkacyo, Galdogob, Bursaalax iyo Bacaadweyn).

Nugaal(Garoowe, Buurtinle, iyo Dangorayo)

Karkaar(Qardho iyo Waaciya)

Haylaan(Dhahar iyo Xingalool)

Bari( Boosaaso, Carmo iyo Ufeyn)

Sanaag(Baran)

ayuu tababarku ka dhacayaa.

Degmooyinka kale ee heli kara tiro macallimiin ka badan 30 macallin, ha u soo gudbiyeen Guddoonkooda, si qorshaha loogu daro.

7- Macalinkii jooga goob tababarku ka dhacayo ee Puntland oo horay macalin nimo ugu diwaangashaana, tababarka goobtaas buu ooga qaybgalayaa.

8- Goobtii tirada macalin 50 ka yar tahay, macalimiintu waxay tagi karaa degmada ugu dhaw oo tababarku ka dhacayo.

9- Maamulayaasha waxaa la farayaa inay hubiyaan dhammaan macallimiinta dugsigoodu inay tababarka galeen, si macallin aan ku tababarneyn manhajka uusan u lugooyn ardayda.

Mahadsanidiin