Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Hon. Fuad Abshir Ahmed oo mudnaan siinaya fulinta siyaasadda taya-dhowrka waxbarashada iyo dib u sixidda habka ogolaanshaha hirgelinta goobaha cusub ee waxbarashada ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu hakiyey ogolaanshaha iyo aqoonsiga goobo cusub oo waxbarasho ilaa iyo inta laga soo saarayo habraaca rasmiga ah ee nidaaminaya qiimeynta iyo aqoonsiga goobaha cusub ee waxbarashada.

Wasiirka ayaa faray mas’uuliyiinta Waaxyaha Wasaaradda ee ku shuqulle leh arrinkan iyo kuwa heer degmo iyo heer gobol in ay gutaan waajibaadkooda ku aaddan fulinta go’aankaan.