Galdagob, Mudug; Guddoomiyaha Waxbarashada Gobalka Mudug Mudane Axmed Huruuse Xaashi oo uu wehelinayo Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Galdagob ayaa ka daahfuray Magaalada Galdagob tababarka macalimiinta ee Manhajka cusub.

Tababarka ayaa waxaa qabanaya macallimiin ay Wasaaraddu u diyaarisay in ay Manhajka cusub ku tababaraan macallimiinta kale ee Puntland, taas oo qeyb ka ah qorshaha tayeynta Waxbarashada Puntland.