Agaasimaha Guud ee Wasaaradda oo Tababar Xirfadaha Tiknaloojiyadda ah u Furay Ururrada Dhallinyarada Puntland
Garowe, Puntland – Juun 23, 2024: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa tababar ku saabsan xirfadaha tiknaloojiyadda casriga ah u furay ururrada dhallinyarada Puntland ee ka shaqeeya arrimaha waxbarashada.
Tababarkan oo socon doona muddo Todobaad ah ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha dhallinyarada ee tiknaloojiyadda, si ay uga faa’iidaystaan fursadaha waxbarashada.
Agaasime Jubba, oo furitaanka tababarkan ka hadlayay, ayaa soo bandhigay khibaradda dowladda Puntland ee dhanka waxbarashada casriga ah, isagoo tilmaamay in wakhtigii Karoonaha ay Wasaaraddu hirgelisay nidaam tiknaloojiyadeed oo u fududeeyey ardayda Puntland in ay guryahooda ku dhigtaan casharrada, kaas oo meesha ka saaray in gaab uu soo galo hannaanka waxbarashada Puntland.
Tababarkan waxaa fududeeyay hay’adaha Global Campaign For Education (GCE), oo xubin ka ah Global Partnership For Education (GPE), iyo Education For All Somalia (EFASOM).
DHAMMAAD.