MADAXDA WASAARADDA OO KA QEYB-GALAY SHIRKA JIHEYNTA IYO TAYEYNTA WAXBARASHADA SARE

Garoowe, Juun 23, 2024; Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Mudane Hon. Fuad Abshir Ahmed, ayaa furay shirka jiheynta tacliinta sare oo ay ka soo qeyb-galeen Jaamacadaha Puntland iyo khubarada waxbarashada.

Shirkan ayaa lagu gorfeynayaa dib u habeynta waxbarashada sare, mideynta hannaanka Jaamacadaha, sugitaanka nidaamka diiwaan-gelinta ardayda, iyo horumarinta cilmi baarista.

Wasiir Fu’aad oo ay wehelinayeen Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda, Mudane Maxamed Diiriye Gamadiid, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda, Mudane Cabdisaalan Cali Faarax, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba, ayaa maamuleyaasha iyo guddoomiyeyaasha Jaamacadaha Puntland la wadaagay sida ay uga go’an tahay Wasaaradda in ay hirgeliso siyaasadda dowladda Puntland ee tayeynta waxbarashada sare.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Mudane Fu’aad Abshir Axmed, ayaa ku ammaanay Jaamacadaha Puntland doorkooda waxbarashada, waxa uuna sheegay in la joogo wakhtigii la xallin lahaa gaabka iyo caqabadaha ka jira waxbarashada sare, oo ay ugu horreyso nidaamka loogu biiro Jaamacadaha, kala duwanaanshaha muddada la dhigto kulliyadaha isku midka ah, doorka waxsoosaarka iyo cilmi baarista ee nolosha bulshada, iyo ku jaangoynta waxbarashada sare duruufaha dhaqan-dhaqaale ee Puntland.

Shirkan waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Tacliinta Sare, Mudane Cabdirisaaq Maxamed Faarax, iyo khubarada Tacliinta Sare ee Wasaaradda.

DHAMMAAD.