Guddoomiyaha Waxbarashada Gobalka Nugaal Mudane Daahir Khaliif Siciid oo ay weheliyaan Tababarayaasha Manhajka loo xilsaaray ayaaa ka wada Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland wajiga 4-aad ee tababarka macallimiinta ee Manhajka cusub.

Tababarka ayaa waxaa qabanaya macallimiin ay Wasaaraddu u diyaarisay in ay Manhajka cusub ku tababaraan macallimiinta kale ee Puntland, taas oo qeyb ka ah qorshaha tayeynta Waxbarashada Puntland.