Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Maxamed Diiriye Gamaadiid oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa shir muhiim ah la qaatay Madaxda barnaamijka Waxbarashada Waa Ifteen ee Midowga Yurub EU.

Shirka oo ku qabsoomay dhanka Fogaan-Araga ayaa waxaa ka qeyb-galay Hoggaanka heer Puntland ee Hay’adaha Care iyo Save The Children, waxaan lagaga hadlay Mashruuca WWI (Waxbarashada Waa Iftiin) iyo Qorsheyaasha hirgalay iyo kuwa socda ee horumarinta waxbarashada Puntland.