Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Fuad Abshir Ahmed oo howlo shaqo u jooga Gobolka Mudug ayaa kormeer ku tagay Dugsiga H/dhexe Sare ee Bali-busle.
Wasiirka ayaa kulan la qaatey maamulka Dugsiga H/dhexe Sare ee Bali-busle isagoo ka dhagaystay warbixin la xiriirta xaaladdaha Waxbarashada iyo ardayda.
Kulanka waxaa goobjoog ku ahaa Gudoomiyaha Gobalka Mudug Faysal Sheikh ,Guddoonka Wabarashada Gobolka Mudug Axmed Huruuse iyo masuuliyiin kale.