Buuxin, Jagooyin ka Bannaanaa Dugsiga sare Ceel- Daahir ee Degmada Carmo ee Gobolka Bari

Wasaaradda Waxabarashada & Tacliinta Sare iyadoo tixraacaysa shaqo katagistii ay soo gudbiyeen maamulihii hore ee dugsiyada sare ee Ceel – Daahir 15 kii Agoosto 2024, soo bandhigtay fursad tartan furan oo lagu buuxinayo jagooyinkaas.

Wasaaradda oo ka duulaysa natiijada qiimeynta tartankii furnaa ee lagu kala saarey danneeyayaashii u baratamay buuxinta jagooyinkaas waxay go’aamisey;

1. In Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ku guulaystay kaalinta koowaad ee tartanka uu buuxiyo booskii Maamulaha Dugsiga Sare ee Ceel- Daahir.

Waxaa la farayaa mas’uuliyiinta kala duwan ee ku shaqada leh inay hubiyaan dhaqangalka go’aankan.