MASUULIYIINTA WASAARADDA OO KULAN LA QAATAY MADAXA HAY’ADDA UNICEF EE PUNTLAND

Garoowe, Sebteembar 16, 2024; Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdisalaan Cali Faarax oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Jubba Cali Nuur ayaa kulan la qaatay Madaxda Xafiiska Puntland ee Hay’adda Dhallaanka Qaramada Midoobey (UNICEF).

Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa kala hadlay Hoggaanka UNICEF ee Puntland barnaamijyada tayeynta waxbarashada iyo adeegyda gaargaarka ah ee u badka.

Kulanka waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda iyo masuuliyiin kale.

– DHAMMAAD –

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Puntland

Facebook:

https://www.facebook.com/MOEHEPuntlandofficial

Twitter:

Instagram:

https://www.instagram.com/moehepuntland

Telegram:

https://t.me/moehepuntland

Website: https://moehe.pl.so

Email: info@moehe.pl.so