MASUULIYIINTA WASAARADDA OO KULAN LA QAATAY MADAXA HAY’ADDA GIZ EE PUNTLAND

Garoowe, Sebteembar 19, 2024; Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdisalaan Cali Faarax Biligseey oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mohamed Ali Nour Jubba ayaa kulan la qaatay Madaxda Xafiiska Puntland ee Hay’adda GIZ.

Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa kala hadlay Hoggaanka GIZ ee Puntland hirgelinta Dugsiga Farsamada Gacanta ee Waaciye oo noqonaya xarun heer Soomaaliyeed ah ee barashada xirfadaha muhiimka ah.

Wasiir-dowlaha iyo Agaasimaha oo uga mahadceliyey Hay’adda GIZ dhismaha xarummaha dugsiyada farsamada gacanta ee Garoowe iyo Waaciye ayaa tilmaamay qorshaha dowladdu ay ka leedahay kor u qaadista aqoonta farsamada, iyadoo la soo saarayo ardey xirfadleyaal ah oo ka faa’iideysan kara fursadaha shaqo ee dalka.

Madaxda Wasaaradda ayaa soo bandhigay qorshaha howlgelinta dugsiyadan farsamada gacanta oo ah kuwo loo dhisay qaab casri ah, lagana hirgelinayo fasallo iyo agab lagu baranayo farsamada gacanta ee beeraha, dhismaha iyo korontada.

Dhankooda, Madaxda Hay’adda GIZ ayaa ku ammaanay dowladda Puntland mudnaanta ay siinayaan kobcinta xirfadaha dhallinayarada iyo qorshaha Wasaaradda ee howlgelinta xarummaha farsamada gacanta ee ay ku wareejiyeen Garoowe iyo Waaciye.

– DHAMMAAD –

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Puntland

Facebook:

https://www.facebook.com/MOEHEPuntlandofficial

Twitter:

Instagram:

https://www.instagram.com/moehepuntland

Telegram:

https://t.me/moehepuntland

Website: https://moehe.pl.so

Email: info@moehe.pl.so