Garoowe, Nofeembar 10, 2024; Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo kormeeray Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa warbixin ku saabsan horumarka iyo caqabadaha waxbarashada ka dhageystay Wasiirka Wasaaradda Mudane Fu’aad Abshir Axamed.
Wasiir Fu’aad ayaa xusay mudnaanta dowladdu ay siinayso tayeynta iyo mideynta hannaanka waxbarashada, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dib u eegid guud lagu sameeyo hannaanka shaqo iyo qaab-dhismeed ee Wasaaradda, si ay ula falgasho duruufaha deegaan iyo baahiyaha aqooneed ee dhallinyarada Puntland.
Dhankiisa, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku adkeeyey Agaasimeyaasha iyo howlwadeennada Wasaaradda in ay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan ubadka iyo dhallinyarada Puntland, isagoo adkeeyey isla xisaabatanka iyo wadashaqeynta oo fure u ah nidaamka daahfurnaanta iyo waxqabadka ay sugayaan dadka reer Puntland.
Kulanka waxaa ka qeyb-galay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Agaasime Waaxeedyada iyo Lataliyeyaasha Wasaaradda.
DHAMMAAD