Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland ayaa maanta qabatay shirka wadatashiga qorshaha shanta sano ee istaraatiijiyadda tacliinta sare ee Puntland. Khubaro dhanka tacliinta sare ah oo laga xulay Wasaaradda Waxbarashada iyo jaamacadaha ayaa sameeyey wadatashiga iyaga oo dood dheer ka yeeshay dhammaanba caqabadaha horyaal tacliinta sare iyo fursadaha ay haysato waaxdu. Aqoon-is-weydaarsiga oo waqti dheer qaatay ayaa ugu danbayn la isla meel dhigay la islana gartay qoraal loo sameeyey siyaasadda qorshaha tacliinta sare ee 5ta sano ee soo socota.