Boosaaso, Diseembar 21, 2024; – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Maxamed Cali Nuur (Jubba) ayaa koreemay iskuullada Boosaaso Public iyo Iimaamu Nawawi ee magaalada Boosaaso.

Agaasime Jubba ayaa warbixin ka dhagaystay maamullada labada iskuul, isaga oo ku dhiirrigeliyay muhiimadda horumarinta waxbarashada iyo bixinta adeegyo tayo leh.

Sidoo kale, wuxuu kormeeray qaybaha kala duwan ee iskuullada, gaar ahaan labka cumputarrada, halkaas oo uu qiimeeyay adeegyada tiknaloojiyadda ee loo heli karo ardayda.

Agaasime Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa ku boggaadiyay maamullada iskuullada dadaalka ay ku bixinayaan tayada waxbarashada, isaga oo ku boorriyay in ay sii wadaan dadaallada horumarineed ee waxbarashada Puntland.

DHAMMAAD