Waaxda Waxbarashada Toosan ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland ayaa qabatay aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo lagu ansixinayey daraasadda Adeegyada Waxbarashada Xadaanada (ECE) ee 2024. Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgalay hay’adaha kala shaqeeya wasaaradda arrimaha waxbarashada, isagoo diiradda saaray sidii loo tayeyn lahaa waxbarashada carruurta hore ee ah Waxbarashada Xadaanada ee Puntland.

Aqoon-is-weydaarsiga waxaa furay Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Toosan, Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xuseen (Maanmaal), kaas oo muujiyey muhiimadda daraasaddan iyo sida ay u tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo horumarinta Waxbarashada Xadaanadda (Early Childhood Education).