Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Mudane Fu’aad Abshir Axmed oo ay wehelinayaan Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Mudane Maxamed Diiriye Gamaadiid iyo Wasiiru-dowlaha Mudane Cabdisalaan Cali Faarax ayaa kormeeray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolka Bari iyo Kuliyadda Tababarka Macalimiinta Bosaaso (BTEC).

Madaxda Wasaaradda ayaa kulammo la qaatay Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Bari Marwo Shamis Muuse iyo Maamulaha Kuliyadda Tabarada Macalimiinta Bosaaso Dr. Maxamed Faahiye oo la wadaagay xaaladda waxbarashada gobolka, gaar ahaan ardayda deegaannada ay ka socdaan howlgallada cirib-tirka argagixisada.