Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Maxamed Diiriye Gamaadiid oo ay wehelinayaan Agaasimaha Imtixaanaadka Puntland iyo Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal ayaa kormeeray qaar ka mid ah iskuulaadka ay ka socoto diiwaan gelinta imtixaanaadka shahaadiga ah ee Puntland.
Wasiirka ayaa warbixin ku saabsan imtixaanaadka iyo ardayda ka dhagaystay Maamuleyaasha iskuullada uu booqday iyo Guddoonka Waxbarashada Gobolka.