Masuuliyiinta gobollada Haylaan iyo Sanaag ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa kormeeray qaar ka mid ah dugsiga sare iyo fasalka 8aad ee ay ka socoto diiwaangelinta imtixaanaadka shahaadiga ah ee Puntland.
Masuuliyiinta Waxbarashada ayaa warbixin ku saabsan imtixaanaadka iyo ardayda ka dhegaystay maamuleyaasha iskuullada ay booqdeen ee ay shaqadu ka socoto.