Garoowe. Feberaayo 26, 2025; Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa maanta qabatay kulanka billaha ah ee bahwadaagta waxbarashada, kaas oo lagaga hadlay waxqabadka iyo qorsheyaasha billaha ah ee horumarinta waxbarashada Puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Cali Nuur Juba ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta joogtada ah ee wasaaradda iyo hay’adaha bahwadaagta ah, si loo xaqiijiyo tayada waxbarashada iyo helitaanka adeeg waxbarasho oo ka tarjumaya horumarka dhanka waxbarashada deegannada Puntland.

Agaasimaha Qorshaynta ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Cabdicasiis Qalib ayaa sheegay in kulammada billaha ah ay door weyn ka qaataan isku xirka iyo isla-xisaabtanka hay’adaha waxbarashada, si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta ardayda iyo macallimiinta Puntland.

Inta kulanku uu socday, waxaa lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiin:

• Kor u qaadista tayada waxbarashada iyo tababarrada macallimiinta.

• Horumarinta agabyada waxbarashada iyo isku xirka manhajyada.

• Xoojinta iskaashiga hay’adaha dowliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee waxbarashada Puntland.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Agaasimayaasha Waaxaha ee Wasaaradda, Lataliyaasha Wasaaradda, iyo wakiilada hay’adaha ka shaqeeya arrimaha waxbarashada Puntland.

— DHAMMAAD —

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland