Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxa ay ugu hambalyeynaysaa Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Puntland, munaasabadda barakeysan ee bilashada Bisha Ramadaan.

Si gaar ah, Wasaaraddu waxa ay ugu hambalyeynaysaa macallimiinta iyo ardayda oo iyagoo soomaya ku howllan arrimaha waxbarashada, annagoo ku boorinayna in ay ka faa’iideystaan fursaddan isku sidkan ee barashada aqoonta iyo gudashada cibaadada bisha barakaysan.

Alle waxaan ka baryaynaa inuu naga aqbalo acmaasha wanaagsan ee bishan barakaysan ee Ramadaan oo ay ugu horreyso taraawiixda, tahajudka, sadaqada iyo soonka.

Ramadaan Mubaarak..