Garoowe, Maarso 5, 2025; Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdisalaan Cali Faarax ayaa ka qeyb-galay munaasabadda isku-aadka barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland.
Wasiir Cabdisalaan ayaa ka warbixiyey muhiimadda tartankan iyo sida uu u xoojinayo aqoonta iyo garaadka ardayda, isagoo ku bogaadiyey khubarada iyo masuuliyiinta ka soo shaqeeyey, gaar ahaan macallimiinta iyo guddiga diyaariyey su’aalaha.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cali Nuur ayaa ku bogaadiyey Warbaahinta Daljir ee muddo tabinaysay barnaamijkan iyo shirkadda Golis ee maalgelinaysay, waxa uuna xusay sida Wasaaraddu ay dadaalka ugu bixisay la socodka, u qareemidda iyo horumarinta tartan aqoonneedada bisha Ramadaan.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Mudane Maxamed Ciise Cismaan ayaa ka hadlay kaalinta warbaahinta ee kor u qaadista wacyigelinta bulshada iyo doorka ay ka qaadaneyso faafinta tartankan.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Agaasime Waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda, Agaasinka Warbaahinta Daljir oo si toos ah u tabinaya tartanka, shirkadaha maalgeliya iyo mataleyaal ka socday qaar ka mid ah iskuullada tartamaya.
DHAMMAAD.