Garoowe, Maarso 18, 2025; Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Cabdisaan Cali Faarax ayaa kormeeray Xafiiska Imtixaanadka Wasaaradda oo si rasmi ah ay uga bilaabatay dejinta imtixaanka sanad dugsiyeedka 2024-2025.
Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Mudane Maxamuud Maxamed Siciid Caynsane ayaa uga warbixiyey Wasiirka, hannaanka hufan ee loo maareeyo habraaca dejinta imtixaanka, isagoo tilmaamay in imtixaanku yahay mas’uuliyad culus oo u baahan feejignaan iyo daacadnimo.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Cabdisaan Cali Faarax ayaa uga mahadceliyay macallimiinta iyo xubnaha kale ee ku howlan dejinta imtixaanka, isagoo adkeeyay dadaallada la bixinayo ay saldhig u yihiin xaqiijinta nidaam imtixaan oo caddaalad ku saleysan, laguna kalsoonaan karo.
– DHAMMAAD –