Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ahna Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Mudane Maxamed Cabdicasiis Qaalib ayaa caawa kormeerey Barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo ay ku tartamayaan iskuullada Puntland.

Agaasimaha ayaa bogaadiyey Iskuullada u soo gudbay wareegga 2-aad ee tartanka, waxa uuna tilmaamay in Wasaaraddu ay sare u qaadi doonto sannadka soo socda doorka ay ku leedahay barnaamij-aqooneedkan, si loo ballaariyo ka qaybgalka ardayda iyo miro-dhalka uu u leeyahay bulshada.